Home » Archives by category » WARARKA (Page 3)
Banaan-bax Ka Dhan ah Dilaalka Dhalinyarada Oo Ka Dhacaya Magaalada Gaalkacyo.

Banaan-bax balaaran ayaa la Filayaa in Saacadaha soo socda uu ka dhacyo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug, Iyadoona ay kasoo qeyb-galayaan Dhalinyarada, Waxgaradka, Ardayda iyo Bulshada k nool Gaalkacyo. Banaan-baxan oo ah mid Nabadeed ayaa ka dhan ah Dilalka Muddooyinkii ugu dambeeyay Gaalkacyo loogu geesanayay Dhalinyarada, waxaan Dhalinyarada iyo Shacabku ku dalbanayaan in wax […]

Continue reading …
Wasiirkii hore ee gaashaandhigga oo DF ku eedeeyay inay balamo uga baxday Roobow

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in aysan sax aheyn in Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horey uga tirsanaan jiray Ururka Al Shabaab marna noqday kuxigeenka hoggaanka ururkaasi uu u tartamo doorashada Koonfur Galbeed. Bulshada ayaa aad u hadal heysay arrintaasi iyo waqtiga ay dowladda ka hadashay, maadaama ay muddaba cadeyd qorshaha Sheekh […]

Continue reading …
Loolanka ku-xigeenada duqa Muqdisho oo saameyn xun ku yeeshay howlihii maamulka G/Banaadir

Madaxda sare ee dowlada ayaa ka fiirsanaya talaabo xilalka looga qaadayo Gudoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir ka dib markii loo maaro waayey khilaaf iyo loolan muddo dheer soo jiitamayey oo hadda maraya marxalad adag. Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee dhinaca amniga Siyaasadda ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax iyo ku-xigeenka labaad ee dhinaca Maamulka iyo […]

Continue reading …
Faah Faahin Madaafiic laga maqlayo degaanka Tukaraq

Wararka aan ka heleyno deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in madaafiic iyo jug xoogan laga maqlaay deegaanka tukaraq . In kastoo aan sidhab ah loo xaqiijin karin in madaafiicdaas ay tahay mid dagaal aya hadana waxaa deegaankaas isku-horfadhiya Ciidamo kala taabcsan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland. Wariyayaal ku sugan Gobolka Sool ayaa […]

Continue reading …
Dhageyso:-Wafdi ka socda hay,adda UNISEF oo la kulmay maamulka Doolow

Madax ka Socotay Hay’adda UNICEF ayaa la kulamay Maamulka Degmadda Doolow ee Gobolka gedo si ay xaalada deegaanka wax badan oga ogaadaan maamulka degmada ayaa madaxda uga warbixiyay baahiyaha ay doonayaan in wax laga qabto Hoos ka dhageyso codka http://dagaari.net/wp-content/uploads/2018/10/WAFDIGA-UNICF.mp3

Continue reading …
DHAGEYSO:-Dhaca iyo Boobka ka socda Suuqa Bakaaraha iyo fariin ku socota Dowlada Soomaaliya

Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya dhac iyo boob ka socda suuqa Bakaaraha, kaasoo ay mas’uul ka yihiin rag ku hubeysan dharka ciidamada dowladda, iyagoo ugu baaqay dowladda inay si degdeg ah wax uga qabtaan. Shir ay isugu yimaadeen Ganacsatada ayaa waxay ku sheegeen in xaalada Suuqa Bakaaraha uu xilligan marayo meel aad u xun, […]

Continue reading …
DHAGEYSO:-khudbadda Musharax gudoomiyaha barlamanka galmudug mudane Salaad Axmed Ceynte

Musharax gudoomiyaha barlamanka galmudug mudane Salaad Axmed Ceynte ayaa khubadd qiiro leh ka horjeediyey Xildhibaanada Galmudug. Salaad Axmed Ceynte ayaa ku dhashay degmada Ceelbuur , waxa oo ku gaaray ilaa da,da 9 ilaa 12 sano halka ugu danbeyntii oo u wareegay Magaalada Muqdisho. Musharaxa waxbarashadiisa oo ka bilaabay magaalada Muqdisho ilaa ugu danbeytii dhameeyo dugsiga […]

Continue reading …
DHAGEYSO:-khudbadda Musharax gudoomiyaha barlamanka galmudug mudane Aadan Xaaji xasan gardheer

Musharax gudoomiyaha barlamanka Galmudug mudane Aadan Xaaji xasan gardheer ayaa ku dhashay Degmada Ceelbuur sanadkii 1965. Mudanaha ayaa waxa oo barlamaanka hortiisa ka horjeediyey waayo aragnimadiisa iyo howlihii shaqo oo soo qabtay. Waxbarashadiisa maadigaa ilaa heerka dugsiga waxa oo kusoo dhameyey magaalada Muqdisho halka waxbarashada dhanka Jaamacada waxa oo kusoo dhameeyey magaalada London ee dalka […]

Continue reading …
DHAGEYSO:-khudbadda Musharax gudoomiyaha barlamanka galmudug mudane Ismaacil Cabdulle Xasan

Khudbadda Musharax gudoomiyaha barlamanka galmudug mudane Ismaacil Cabdulle Xasan ayaa qodbad aad u qiiro leh waxa oo ka horjeediyey xildhibaanada Galmudug hortooda. Ismaacil Cabdulle Xasan ayaa waxa oo ku dhashay koonfurto  tuulada Bargaan sanadkii 1969. Bargaan waxa ay dhanka badda 75 km ka xigtaa dagmada qadiimiga ee Ceelbuur. Quraanka waxa oo ku bartay isla magaalada […]

Continue reading …
Colaad galaafay Walaalo Soomaaliyeed oo mudo 6 sano ah jirsatay oo ugu danbeyntii lasoo afjaray

Guutada 14ka Aktoobar Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay soo afjareen colaad 6 sano jirsatay ayn ku dhinteen Dad Soomaaliyeed oo walaalo ah. Walaalaha dagaalkooda lasoo afjaray ayaa waxa ay ku dagaaladamayeen magaalada Marko, colaada u dhexeysa Walaalahaas ayaa waxa gaartay mudo 6 sano ah. Saraakiisha Ciidanka ayaa halkaas kula hadlay maleeshiyaadkaas, iyagoo ku […]

Continue reading …