Dr. Mustafa Kamal Maxamud Xuseen oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Masar ayaa mar sii horeysay qoraal uu qoray waxuu is barbar dhig ku sameeyay dalalka Japan iyo Masar waxaana uu sheegay in tirada dadka dalka Japan ay tahay in ka badan 120 malyuun oo qof

Filed under: QORAALO XIGMAD LEH |
Dr. Mustafa Kamal Maxamud Xuseen oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Masar ayaa mar sii horeysay qoraal uu qoray waxuu is barbar dhig ku sameeyay dalalka Japan iyo Masar waxaana uu sheegay in tirada dadka dalka Japan ay tahay in ka badan 120 malyuun oo qof, kuwaasi oo ku nool dhul aad uga yar kan dalka Masar, laakiin dadkiisu aqoonta heer sare ayay ka gaareen, isla markaana gaajo iyo saboolnimo kama jirto dalkooda, waxaana ay tartan kula jiraan dalka Mareykanka. Dr Mustafa waxuu yiri dalka Japan waxa keliya ee uu ka faa’iidaystay waxa ay tahay khayraadka muhiimka ah ee uu haysto oo ah dadkiisa (Human Recourses) iyo wakhtiga, kuwaasi oo dunida dal aan haysani aanu jirin. Halka Masar ay dirto oo dunida u dhoofiso gaasta dabiiciga ah, dhul beereed balaaran iyo khayraad kale oo badanna way leedahay, haddana dadkeedii waa sabool weli gaajadu cabsi joogto ah ayay ku haysaa. Horumarku maaha hantida aad haysato laakiin waa sida aad ugu fikirayso khayraadka aad heli karto ka faa’iidaysigiisa. Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

HOOS KU QOR RAYIGAADA

Kommentera

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *