Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Ka Deyriyay Xaalada Ay Ku Sugan Yihiin Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Filed under: WARARKA,WARARKA MAANTA |
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Eng. C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa si Adag uga hadlay Takhriibka Dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana uu Sheegay inuu yahay Tahriibku Musiibo heysata haatan Umadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa Sheegay in Puntland Dadaal dheer ay ugu jirto Joojinta Tahriibka, balse aysan ku fineyn kaligeed Joojinta Tahriibka, Isagoona ugu Baaqay Dowladda Federaalka, Dowlad Gobaleedyada iyo Beesha Caalamkaba in loo Istaago Bad-baadinta Dhalinyarada Soomaaliyeed. Madaxweyne Camey ayaa Sheegay in Dhibaatada Tahriibka ay Dhalinyarada Soomaaliyeed u sii dheer tahay in laga Ganacsado Jirkooda, taas uu tibaaxay in ay tahay wax laga Murugoodo. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Eng. C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa hadalkan ka Sheegay Munaasabad ka dhacday Garoowe, taas oo uu ku daah-furay Madaxweynuhu Xeerka Daabulka iyo Ka Ganacsiga Dadka ee Puntland.

HOOS KU QOR RAYIGAADA

Kommentera

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *