Nin ayuu wiil u dhashay, markaasuu u tagay nin xigmad badan

Filed under: QORAALO XIGMAD LEH |
Nin ayuu wiil u dhashay, markaasuu u tagay nin xigmad badan, waxaana uu ku yiri: “Wiil ayaa ii Dhashay, waxaan kaa Rabaa inaad ii Sheegto habka wanaagsan ee aan u Tarbiyadeeyo?, Odaygii xgmadyahanka ahaa ayaa ugu jawaabay Ninkii:” Waan ka xumahay, Waa goor danbe, hadda maaha inaad ii Timaado ee waxaa loo baahnaa inaad ii Timaadid Markaad Guursanaysay Wiilka Hooyadiis, oo wakhtigaasi ayay Bilaabantaa Tarbiyada Caruurta”. Xikmadda ayaa ah Rag iyo Dumarba waa in qofku marka hore xushaa oo iska hubiyaa qofka uu guursanayo, maxaa yeelay waa arrin mustaqbal ah. Mustaqabalkuna waa inuu ku salaysnaado khayr iyo wanaag. Taasi oo ubadkuna ku dayanayo wanaagga waalidka ka muuqda.
Abuu Hurayrah “RC” wuxuu yiri: “Nebigu (scw) ayaa wuxuu yiri: “Muslimiinta waxaa u iimaan sareeya kan ugu dabeecad wanaagsan; waxaana idiinku wanaagsan kuwiina dumarkooda u dabeecad wanaagsan”. Waxa weriyay Tarmadi ( waana xadiis saxiix, xasan ah). Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan. XAQUUQDA QORAALKA WAXAA LEH Abdulahi Nur Colombo.

HOOS KU QOR RAYIGAADA

Kommentera

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *