Rag hubeysan oo macalin ku dilay magaalada Mandheera

Filed under: .,WARARKA,WARARKA MAANTA |
Dagaalyahanno la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab ayaa labo Macalin oo Kenyaan ahaa maanta ku dilay magaalada Mandera gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Sida ay sheegeen Booliska Kenya Macalimiintaasi ayaa Geeriyooday, kadib markii Bam Gacmeed lagu weeraray Iskuul ay ku sugnaayeen oo lagu magacaabo Arabia Boys oo ku yaalla bartamaha magaalaadasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammanka Kenya ayaa gaaray goor dambe Iskuulkaasi, kuwaasi oo halkaasi ka bilaabay howlgal ka dhan ah kooxihii ka dambeeyay Weerarkaasi. Mana jirto illaa iyo haatan cid ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada ammaanka oo ku aadan dilkaasi. Iskuulada gobolka Waqooyi Bari ayaa badi xirmay, kadib markii barayaashii Iskuulada ay ka carareen gobolka cabsi ay ka qabaan darteed weerarada Al Shabaab. Inta badan Al Shabab ayaa sheegta masuuliyadda dilalka iyo weerarada ka dhacay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

HOOS KU QOR RAYIGAADA

Kommentera

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *